Boosaaso, Puntland – Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Deegaanka, Arrimaha Gudaha, Ganacsiga iyo Amniga ee Puntland ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aan lagu dhaqan-gelinayo xirmayn-xilliyeedka Aargoosatada.
Go’aankan ayaa dhigaya in laga bilaabo 1-da September ilaa 31-ka December 2025 gebi ahaanba la joojiyo kalluumaysiga iyo ganacsiga Aargoosatada, halka dhoofintooda si gaar ah loo mamnuucay ilaa 30-ka April 2026.
Dowladda Puntland ayaa ku amartay hay’adaha amniga inay si adag u fuliyaan xeerarkan, iyadoo shacabka iyo ganacsatada lagu boorrinayo inay u hoggaansamaan, si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah iyo waaraanshaha kalluumaysiga mustaqbalka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ilaalinta deegaanka badda iyo kobcinta dhaqaalaha mustaqbalka ee ka imaanaya kalluumaysiga waara.
