Sharma’arke Dal-daare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Garoowe – 22 Juun: Sharma’arke Dal-daare, oo ah ruugcaddaa saxaafadeed muddo ka badan 11 sano ku jiray mihnadda warbaahinta, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Sharma’arke ayaa hore uga mid ahaa bahda Telefishinka Dowladda Puntland, isagoo si weyn uga soo shaqeeyay warbaahinta, gaar ahaan xilligii doorashada Puntland, halkaas oo uu door muuqda ku lahaa tebinta iyo baahinta dhacdooyinka doorashada.

Waxa uu sidoo kale hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland isagoo ahaa La-taliye, kahor inta aan loo magacaabin xilkan cusub.

Magacaabistan ayaa Sharma’arke ku soo celinaysa xil sare oo dhinaca warfaafinta ah, isagoo hadda mas’uul ka noqonaya hagidda iyo isku-dubbaridka hawlaha warbaahinta iyo isgaarsiinta ee Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka.

Exit mobile version