Puntland – Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo xarigyada lagu hayo wariyeyaasha ka howlgala Puntland, kaddib markii muddo kooban gudaheed lagu kala xiray laba saxafi oo ka shaqeynayay tebinta wararka.
Magaalada Garoowe ayaa dhawaan lagu xiray wariye Suways, oo ah saxafiyad si joogto ah uga shaqeysa baahinta wararka iyo dhacdooyinka ka dhaca Puntland.
Sidoo kale, maanta magaalada Boosaaso waxaa lagu xiray wariye Maxamed Jaamac. Xariggiisa ayaa yimid xilli uu maalmihii u dambeeyay tabinayay warar la xiriiray xirnaanshaha qaar ka mid ah suuqyada Boosaaso iyo cabashooyinka ganacsatada ee ku saabsan canshuur dheeraad ah oo la sheegay in lagu soo rogay badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ama hay’adaha amniga oo lagu faahfaahinayo sababaha loo xiray labada wariye.
Xarigyadan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda xorriyadda saxaafadda ee Puntland, iyadoo ururrada u dooda xuquuqda saxafiyiinta ay si joogto ah ugu baaqaan in la ilaaliyo xorriyadda warbaahinta iyo xaqa wariyeyaasha u leeyihiin inay si madax-bannaan u gutaan waajibaadkooda.










