Ciidamo kala duwan oo horay uga tirsanaa Ciidamada Difaaca Puntland ayaa saacadihii u dambeeyey ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen. Dhinaca kale, ciidamo horay fariisimo ugu lahaa magaalada Boosaaso iyo duleedka koonfureed ee Garoowe ayaa gaaray magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool. Ciidamadan ayaa waayadii u dambeeyey xuquuqda iyo amaawiirta ka qaadanayey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhawaan, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo hortagay Baarlamaanka Golaha Sarre ayaa sheegay in guutooyin ciidan ah oo ka amar qaata Dowladda Dhexe ay ku sugan yihiin Puntland. Puntland oo ka hadashay joogitaanka ciidankaas ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in ciidamo ka tirsan SNA ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.
Marka la eego xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Puntland, waxaa muuqata inay galayso xaalad aan la saadaalin karin. Saaxiibada Madaxweynaha ayaa soo jeediyey in Puntland dagaal ku qaaddo ciidammada Dowladda Dhexe ee ku sugan gudaha Puntland. Cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya iyo Madaxweyne Deni oo ay dad badani sheegayaan inuu talada isku koobay ayaa saameyn ku yeelan kara xaaladda Puntland.
Indheergaradka iyo aqoonyahanka kala duwan ee Puntland, kuwaas oo horay uga qaati qabay hab-maamulkii Madaxweynaha, ayaa soo jeedinaya talooyin tiro badan oo ay u jeedinayaan hoggaamiyaha Puntland. Taladoodu waxay tahay in Madaxweynuhu la yimaado tanaasul iyo odaynimo lagu badbaadinayo Puntland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doorbideysa in cadaadis siyaasadeed la saaro Madaxweyne Deni halkii wada-hadal lala geli lahaa. Siyaasiyiin badan oo mucaarad ku ah Puntland ayaa xulufo la ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qaar ka mid ah siyaasiyiintaas ayaa qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee Puntland kusoo fool leh.
Kadib markii Dowladda Federaalka ay jartay xiriirka macamil ee ay la lahayd dhiggeeda Imaaraatka Carabta, waxaa la qiyaasayey inuu sii kordho khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka. Puntland ayaa saacado kooban kaga jawaabtay bayaankii Dowladda Dhexe, iyadoo sheegtay in go’aanka laalista heshiisyadii Imaaraatka uu muujinayo degdeg iyo tixgelin la’aan.
Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland ayaa muddo ku dhow 15 sano saaxiib dhow la ahaa Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta. Sannadkii tagay ee 2025, Dowladda Imaaraatka ayaa Puntland ka taageertay dagaalkii ay ku qaaday ururka Daacish ee ku sugnaa qaybo ka mid ah buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.
Dhawaan, Madaxweyne Deni ayaa u safray dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, iyadoo la sheegay inuu u aaday la-tashiyo uu la yeelan doono saraakiil ka socota Abu Dhabi. Weli ma cadda tallaabooyinka ay Puntland qaadi doonto si ay garab ugu noqoto saaxiibkeeda Imaaraatka Carabta.







