Addis Ababa – Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay saxiixa heshiiska wax-ka-beddelka qaab-dhismeedka doorashada ee Soomaaliya, kaas oo 25-kii Ogoosto lagu wada galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo garab siyaasadeed oo ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah isbahaysiga ugu weyn mucaaradka. Heshiiskan ayaa gogol u dhigaya doorashada madaxweynaha federaalka ee soo socda iyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada saxiixay in ay si dhab ah u dhaqan geliyaan heshiiska, isaga oo ku dhiirri-geliyay dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed in ay taageeraan guushan siyaasadeed, isla markaana ay ku xalliyaan caqabadaha ka horreeya geeddi-socodka doorashada wada-hadal iyo is-afgarad.
Sidoo kale, waxa uu ku boorriyay beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada ay siinayaan hannaanka dhismaha dowladnimo iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya, si waafaqsan mudnaanta hay’adaha qaranka Soomaaliyeed.
Midowga Afrika ayaa noqday ururka goboleedki labaad ee taageera heshiiskan, kaddib ururka IGAD oo shalay soo dhaweeyay, taasoo muujinaysa in taageerada gobolka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya ay sii xoogaysato.
Ururka ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu uga go’an yahay garab istaaga Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed geeddi-socodka nabadda, amniga, iyo xasilloonida.










