Golaha Wasiirrada Soomaaliya, shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen shalay galab, ayay ku sheegeen inay xiriirka macaamilka u jareen Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta. Tallaabadan ayaa timid, sida ay sheegeen, kadib markii dowladda Imaaraadku tixgelin wayday midnimada iyo wadajirka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa noqday cidii ugu horreysay ee ka hadasha go’aanka ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid ka muuqata degdeg iyo tixgelin la’aan, taas oo keeni karta cawaaqib xumo saameyn ku yeelata geeddi-socodka dhismaha dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay tahay saaxiib ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, iyo kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha. Dowladda Imaaraadku waxay gacanta ku haysaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo Dekedda Boosaaso. Labadan kaabayaal dhaqaale ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee ay ku tiirsan tahay Puntland.
Maxay tahay saameynta ka dhalan karta tallaabada ay qaaday Dowladda Federaalka ee ka dhanka ah UAE?
- Saameyn Siyaasadeed
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa saameynta ugu badan ku leh siyaasadda Soomaaliya, iyadoo saaxiibo dhow la ah maamulada Puntland iyo Jubbaland. Dhanka kale, waxay saaxiibo ku leedahay madasha samatabixinta iyo xiriirro siyaasadeed oo kala duwan. Xiriirka ay jartay Dowladda Federaalka ayaa saameyn ku yeelan kara dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro caqabadaha u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Abu Dubai waxay noqon kartaa qiblada mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya. - Somaliland oo helaysa fursad siyaasadeed iyo saaxiib garab istaaga
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la ogsoon yahay inay door ku lahayd in xiriir yeeshaan Israa’iil iyo Somaliland. Kulamadii ugu horreeyay ee ay is arkaan madaxda Somaliland iyo Israa’iil ayaa la ogyahay inay ka dhaceen Dubai. Haddaba, kala guurka u dhexeeya UAE iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Somaliland wuxuu u arkaa fursad siyaasadeed iyo helitaanka saaxiib dhow oo kala shaqeyn kara arrimaha gooni-isu-taagga.
Marka la eego saameynta caalamiga ah ee uu leeyahay Sheikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, hoggaamiyaha Imaaraadka, waxaa loo arkaa inuu door libaaxle ka qaadan karo taageeridda rabitaanka jamhuuriyadda ku dhawaaqday madaxbannaanideeda.
- Magdhow ay dalban karto DP World
Dhamaadkii muddadii xil-haynta hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qalinka ku duugtay heshiis ay Dekedda Berbera kula wareegeyso shirkadda DP World, oo ah shirkad maalgashi oo laga leeyahay Dowladda Imaaraadka Carabta. Heshiiskan oo si qarsoodi ah loogu saxiixay Abu Dubai ayaa muran badan ka dhaliyay guud ahaan Soomaaliya.
Xukuumaddii Axmed Siilaanyo (AUN) iyo xukuumaddii Cumar Cabdirashiid toona wax faahfaahin ah kama bixin heshiiska iyo qodobbadiisa. Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiiska, inkastoo aan si buuxda loola wadaagin faahfaahinta heshiiska.
Arrintan cusub ee ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa dhalin karta in shirkadda DP World ay dalbato magdhow haddii dowladda buriso heshiiskii horay loo saxiixay.
- Saameyn dhaqaale
Dowladda Soomaaliya ayaa Abu Dubai ka heli jirtay kaab dhaqaale oo ballaaran, iyadoo dowladda Imaaraadku mushahar iyo saanad siin jirtay ciidamo gaaraya ilaa 10,000 askari. Dhaqaalahaas ballaaran ayay waayi kartaa Dowladda Federaalka haddii aysan helin cid kale oo buuxisa booskaas.
Wararka ayaa sheegaya in dowladaha Qatar iyo Sacuudi Carabiya ay ballanqaadeen inay buuxin doonaan kaalintii dhaqaale ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka heli jirtay Imaaraadka Carabta






