Puntland ma si dadban ayey u soo dhoweysay aqoonsigii ay Israel siisay Somaliland?
26 Bisha, war weyn oo saaxadda siyaasadeed ee Soomaalida beddelay ayaa ka soo yeeray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel, kaas oo ah in maamulka Tel Aviv uu aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland. Wada hadal qadka fogaan-aragga ah oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyo Netanyahu, ayey isugu hambalyeeyeen tallaabadan cusub iyo xiriirka aqoonsi ee dhex maray labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa sheegay in Somaliland ay tahay saaxiib dhow oo u qalma inuu helo aqoonsi. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu martiqaad rasmi ah u fidinayo Madaxweyne Cirro, uuna safar ku tegi doono caasimadda Israel.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ah ayaa ilaa iyo hadda qaadday tallaabooyin cambaareyn ah, iyadoo dhinaca kalena wadamada saaxiibka dhow la ah Soomaaliya sida Turkiga iyo Masar ay wadaan dadaallo diblumaasiyadeed oo arrinkaas looga soo horjeesanayo. Wadamada Sucuudiga, Masar, Ururka Jaamacadda Carabta, iyo sidoo kale Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay Israel qaadday, iyagoo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waxaa la filayaa in maanta ay waddamo badan ku biiraan cambaareynta loo jeedinayo Israel. Waxaa laga war sugayaa tallaabada ay qaadi doonaan wadamada UK, Mareykanka iyo Itoobiya oo xiriir diblumaasiyadeed oo ballaaran la leh Somaliland iyo Israel. Sidoo kale, wadamada Shiinaha iyo Ruushka ayaa laga yaabaa inay ku biiraan cambaareynta ka dhanka ah Israel.
Markii la eego dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya, Golaha Samatabixinta oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, ayaa cambaareyn toos ah u jeediyay tallaabada aqoonsiga Israel. Waxayna sheegeen in midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, iyagoo ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin siyaasadeed oo midnimada dalka kor loogu qaadayo.
Puntland oo dhowaan shir ka dhacay Nairobi heshiis is-afgarad ah la gashay Somaliland, ayaa shirkaas lagu sheegay inay ixtiraamayso danaha gaarka ah ee Somaliland. Weli Puntland si toos ah ugama hadlin arrintan soo korortay ee aqoonsiga Somaliland, laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdifataax Juxa, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in Puntland ay qaadan doonto “tallaabo xisaab siyaasadeed oo la mid ah tan ay Somaliland qaadday.” Dadka badankiis ayaa arrinkaas u fasirtay inuu soo dhoweynayo ictiraafka ay Somaliland heshay. Dhinaca kale, khariirad ay baahisay warbaahinta Israel ayaa la arkay iyadoo gobollo ka mid ah kuwa lagu dhisay Puntland gebi ahaanba la raaciyay maabka Somaliland.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in saameynta ugu weyn ee aqoonsiga Somaliland ay ku dhacayso Puntland, maadaama uu jiro muran dhuleed oo ballaaran oo u dhexeeya. Lama qiyaasi karo sida ay siyaasaddu isku beddeli doonto.
Arrintan ayaa saameyn ballaaran ku yeelan doonta arrimaha dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale carqalad juquraafiyeed ka abuureysa guud ahaan Geeska Afrika. Falanqeeyayaashu waxay arrintan ku sheegeen in dagaal wakaaladeed oo ay ku hardamayaan quwadaha waaweyn loo soo rari karo gudaha Soomaaliya. Lama oga halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto, laakiin waxaa isha lagu hayaa tallaabooyinka istiraatiijiyadeed ee ay qaadi doonto Dowladda Federaalka, inkastoo laamaha diblumaasiyadeed iyo hay’adaha dowladda u qaabilsan arrimaha dibadda ay u muuqdaan kuwo ku fashilmay ka hortagga tallaabada ay Israel qaadday.






